Home arrow News in Somali
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:409
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:86
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:709
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:315
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 05 2008
Orodyahano Soomaali ah oo Wadamada Sweden iyo Ingiriiska uga Qayb Galaya Olympiga 2008
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 05 August 2008

Beijing,(insidesomalia.org)- Mustafa Hassan Mohamed waa orodyahan u safta wadanka Sweden, Mohamed Farah "Mo" isna wuxuu u saftaa wadanka Ingriiska, waxay labaduba ku aflaxeen in aay wadamadaa matalaan olympic 2008 Beyjing China ee inagu soo fool leh maalmo kadib. Labadan orodyahan waa wiilal u dhashay somalia asal ahaan, balse hada haysta dhalasho wadamo shisheeye.

 

Sida aay hada u badan yihiin dadka somalida qurbaha ku nool. waa wiilal dhalinyaro ah, yaraantoodiina ku soo barbaaray soomaaliya,waxay runtii fursad u heleen in aay hiwaayadooda kaga dhabeeyaan. Waxaan jeclaystay in aan faahfaahin yar ka bixiyo labadan oradyahan, oo runtii dadaal wax ku ool ah moojiyey.

 

Cinwaanka waxaa loo qaadan doonaa in aan dhaliil u hayo dhalinyaradan aad u dedaashay, balse waxaan uun iftiiminaya waxqabadkoodii iyo guulihii aay u soo hooyeen wadamada aay u ordaan.

 

Waayo runta marka la sheego anba xilligii aan wadanka sweden iskuulka kaga jiray waan jeclaa in aan horumar ka gaadho kubada cagta iyo orodadba, lakiinse iimay suurobin. Waxaa mid la taaban karo ah in aay sumcad wanaagsan u soo jiidi karaan mujtamaca afka somaliga ku hadla kuna dhaqma ee ku nool wadamada aay matalaan labadan wiil.

 

Mohamed Farah- oo dhashay-23 March 1983 Muqdisho, Somalia Hadana haysta dhalashada Wadanka Ingriiska, Mo hada wuxuu degen yahay magaalada London wuxuuna u ordaa Newham and Essex Beagles iyo England. Mo wuxuu soo dagay ingriiska sanadku markuu ahaa 1997.

 

 Waxaa helay haybadiisa orod macalinkii u dhigayey fiisikiska oo la odhan jiray Alan Watkinson, intabadana Mo wuxuu qiraa in macalinkaas uu qayb weyn ka yahay xirfadiisa orodyahan. Mo inta badan wuxu ordaa 3000m iyo 5000m. Guulihisii ugu waaweynahaa waxaa ka mid ahaa.

 

2005 European Indoor Athletics Championships- 3000m Lixaad buu galay

 

2006 European Cross Country Championships- Gold medel (bilada dababka ee lambar wanka ayuu badiyey)

 

 

2006 European Championships in Athlectics - 5000m Silver medel (labaadka ayuu galay)

 

2006 Commonwealth Games - 5000m ( Kaalinta Sagaalaad ayuu galay)

 

2007  World Championships in  Athletics - 5000m (kaalinta lixaad ayuu galay)

 

Mustafe Hassan Mohamed Wuxuu dhashay March 1 1979, orodka dheer ku caanbaxay inta badana orda 3000m ee loo yaqaano steeplechase ( Bir ka boodka). Wuxuu ku dhashay Muqdisho somalia. Wuxuu yimi sweden isagoo 11 sano jira, isla halkaas oo uu ka helay dhalashada swedishka ah imikana uu degan yahay magaalo la yidhaahdo Lysekil. Xiisaha ciyaaraha orodka wuxuu bilaabay sanadku markuu ahaa 1995, isla sanadkaana wuxuu ku biiray kalabka orodka ee la yidhaahdo Halle IF ee magaalada Ljungskile(Yungshile) halkaas oo walaalkiisa weyn ku jiray.

 

Horyaaladii ugu horeeyey ee uu ordo waxay ahaayeen, kaalinta dhalinyarada (junior european championship) oo uu galay 10000m 2aadka sanadadii 1997 iyo sadexaadka 6km. Sanadkii ku xigayna 8aad ayuu galay jonior worldchampoinship birka boodka 3000 ee mitir.

 

Hurumaradii xaga dhalinyarada kadib musatafe waxaa la soo gudboonaadey sanadadii 1999 iyo 2000 dhaawacyo ka bajiyey in uu si caalami ah u ordo. Wuxuu si caadi ugu soo noqday orodada 2001 oo ilaa intaa uu horumaro wax ku ool ah soo hooyey, wuxuu mustafe ku guulaystay dhammaan qaybaha uu ordo wadanka Sweden, Wuxuu badyey laba sano oo isku xiga 2002-2003 maradoonka gaaban ee 21km, aadna loo xiiseeyo oo la yidhaahdo Gothenbergvalvet 2003 ayuu ka qayb koobka aduunka ee 3000m birka boodka oo ka dhacay france, Paris. Wuxuu helay waayo aragnimo cusub, wuxuuna ku guulaystay in ka qayb galo Olympic Athen ee 2004. Wuxuu olymbigaa galay kaalinta 13.aad ee 3000m birka boodka.

 

 

Bisha julay 28 2007 magaalada Heusden-Zelder ee Bilgim ayuu Mustafe Mohamed orday 8.05,75 ee 3000m birkaboodka, halkaas oo uu ku jabiyey rekordkii uu dhigay ninka swedishka ah ee Aders Garderuds, olympigii 19976. Wakhtigan qaaliga ah

 

ee uu mustafe helay wuxuu ka dhigay orodyahanka labaad ee ugu fiican Qaarada Yurub oo idil, marka laga yimaado Hollandiiska Simon Vroemen oo aduunka u galay sadexaad 2007.

 

Labada dhalinyaro waxay qabaan rajo aad u weyn in aay ku guulaystaan ama feel fiican ka gaadhaan olymbiga. Mohamed Farah waa olymbigii ugu horeeyey ee uu tago, jaanis fiican wuu leeyahay. Wuxuu kaloo hadii eebe idmo M Farah aad ugu rajoweyn yahay olympic 2012 ee London, hadii alleh idmo in uu guulo fiicayn ka soo hoyn doono madaama lagu qabanayo magaaladiisa.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >